HomeWararDhimasho iyo dhaawac ka dhashay Israsaaseyn ka dhacday Caabudwaaq

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Israsaaseyn ka dhacday Caabudwaaq

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aynu ka helayno Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in xalay halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn khasaaro gaysatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida wararku sheegayaan. Wararku waxaa ay sheegaan in Ciidan dhawaan loosoo gabagabeeyay tababar, sidoo kalena howgal ka waday xaafad ka mid ah Caabudwaaaq ay dagaal kala lulmeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aynu ka helayno Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in xalay halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn khasaaro gaysatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida wararku sheegayaan.

Wararku waxaa ay sheegaan in Ciidan dhawaan loosoo gabagabeeyay tababar, sidoo kalena howgal ka waday xaafad ka mid ah Caabudwaaaq ay dagaal kala lulmeen koox dabley ah oo sida la sheegay fadhiyay Meherad ganacsi.

- Advertisement -

Waxaana labada dhinac dhex-martay israsaaseyn khasaaro gaysatay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ay sheegayaan in hal ruux oo ka mid ah kooxdii dableyda ahayd uu geeriyooday, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray Askari ka tirsan ciidanka Galmudug ee dhawaan tababarka loogu soo xiray magaaladaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijyay in Israsaaseyntu ay ka dhacday xaafadda ammaana ee magaalada Caabudwaaq, waxaana ay intaa ku dareen in israasaeyntu ay u dhexaysay Ciidanka howgalka waday iyo dabley hubaysan,kuwaasi oo ilaa hadda aan laga helin wax faah faahin ah.

Wali laamaha ammaanka iyo maamulka Magaalada wax war ah kama soo bixin, mana jirto cid faah faahisay israsaaseyntaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan, iyadoo xaaladda magaalada ay si caadi ah kusoo laabatay, kadib is rasaaseyntii xalay, sida ay soo sheegayaan dadka degaanku.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts