HomeWararCiidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qarax khasaaro dhaliyey lala beegsaday

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qarax khasaaro dhaliyey lala beegsaday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago remote Control-ka ayaa waxaa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka barqadii Maanta lagula beegsaday degaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Qaraxa miinada ayaa waxaa gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Milateriga oo noociisu ahaa Tikniko uu ku qabsaday inta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago remote Control-ka ayaa waxaa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka barqadii Maanta lagula beegsaday degaan ku dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa miinada ayaa waxaa gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Milateriga oo noociisu ahaa Tikniko uu ku qabsaday inta u dhexeeysa deegaanka Ceel-dheere iyo Dhuusamareeb, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidanka Milateriga dowladda, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Askari, halka 9 Askari kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka qaraxa lagula beegsaday wadada laamiga ee xiriirisa deegaanka Ceel-dheere iyo Dhuusamareeb ay kusii jeedeen deegaanka Baxdo oo saakay Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal culus.

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka ayaa doonayey inay tegaan deegaanka Baxdo oo ku ay dagaalameen Ciidanka Galmudug, dadka deegaanka oo hubeysan iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Al-shabaab maalmo kahor sidaan oo kale qarax miino nooca dhulka lagu aasay deegaanka Ceel-dheere ee Gobolka Galgaduud kula  beegsaday gaari ay wateen Ciidanka Kummaandooska DANAB, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen 8 Askari, halka saddex kalena ay dhaawacmeen…

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts