HomeWararFarmaajo oo ku eedeeyay RW Rooble inuu ku fashilmay Hoggaaminta Doorashada dalka

Farmaajo oo ku eedeeyay RW Rooble inuu ku fashilmay Hoggaaminta Doorashada dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada wax yar kahor salaadii subax ee saakay ayaa waxaa lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada wax yar kahor salaadii subax ee saakay ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xigaarsiinta uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada, uuna kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka.

- Advertisement -

Maxamed Farmaajo ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo;

- Advertisement -

Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon;

Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30),

Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020;

Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble;

Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka;

Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021.

Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo.

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka;

Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan;

1- In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

2- Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

3- Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts