HomeWararHowlgal Dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Howlgal Dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay waxaa ay howlgalo qaatay saacado ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana howlgalka laga helayaa faah faahino. Inta uu socday howlgalka Ciidanka ka fuliyeen Kaaraan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan burcad hubeysan oo xiliyada, habeenkii ah dhac u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay waxaa ay howlgalo qaatay saacado ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana howlgalka laga helayaa faah faahino.

Inta uu socday howlgalka Ciidanka ka fuliyeen Kaaraan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan burcad hubeysan oo xiliyada, habeenkii ah dhac u geysta dadka shacabka iyo kooxo Ciyaal Weero ah oo dadka cabasho ka muujiyeen.

- Advertisement -

Taliyaha cusub ee Booliska Kaaraan Salaad Caraale iyo Saraakiil kale ayaa hoggaaminayey howlgalka laga sameeyay gudaha degmadaas, waxaana dadka lasoo qabtay la isugu geeyay goob barxad ah, iyadoona dhalinyarada qaar lasii daayey.

Taliye Salaad Caraale ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ay ka dhaceen falal lagu dilay dad aan waxba galabsan, sidoo kalena ay ka jiraan kooxo Ciyaal weero ah oo dadka dhibaateeya.

Laamaha amniga degmada ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono, isla markaana shacabka ka dalbaday in laamaha ammaanka Kaaraan la shaqeeyaan wadashaqeyn buuxda, si looga hortego cid kasta oo dhibaato wada.

- Advertisement -

Si kastaba Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgalo isdaba joog ah ka sameeynayeen degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana howlgalada lagu soo qab-qabtay boqolaal dhalinyaro ah iyo waxyaabo qarxo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts