HomeWararXaaladda Magaalada Boosaaso oo saaka dagan iyo Wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda Magaalada Boosaaso oo saaka dagan iyo Wararkii ugu dambeeyay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa saaka xaalad daganaasho ah laga dareemayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad u dhexeeysa Ciidanka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF -ta ee Maamulkaas. Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeday ayaa xalay ka socday Boosaaso, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay, waxaana la sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa saaka xaalad daganaasho ah laga dareemayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad u dhexeeysa Ciidanka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF -ta ee Maamulkaas.

Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeday ayaa xalay ka socday Boosaaso, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay, waxaana la sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland lagu arkayey meel ku dhow xaafadda Ridwaan oo ay ku taallo Xarunta Ciidamada PSF.

- Advertisement -

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa soo weriyey in dadka deegaanka qaarkood ay soo wajahday cabsi dagaal ka dhex dhaco Ciidanka Maamulka iyo kuwa PSF, kadib markii lagu guuleysan waayay xalinta xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Isimada Puntland ayaa habeen hore soo saaray Go’aan lagu doonayey in lagu xaliyo xiisada Boosaaso, hayeeshee Madaxtooyada Puntland ayaa ka hortimid, waxaana Agaasime Diyaano la faray inuu wareejiyo xilka.

Todobaadyado kahor ayey markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF JMaxamuud Cismaan Diyaano, balse uu Diyaano kasoo horjeestay xilka qaadista, kuna tilmaamay mid sharci darro ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts