HomeWararDoorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug oo Maanta dhaceysa

Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsan Galmudug oo Maanta dhaceysa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug. Doorashada dhaceysa ayaa waxaa ku tartamaya Afar Musharax oo u sharaxan laba kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada lagu dhameystirayo kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug.

Doorashada dhaceysa ayaa waxaa ku tartamaya Afar Musharax oo u sharaxan laba kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana kursiga koowaad ku tartamaya Cawil Nuur Cali iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo afar sanno Senator ahaa.

- Advertisement -

Kursiga labaad ayaa waxaa ku loolamaya Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed, waxaana afartaan Musharax diiwaan-geliyay Guddiga doorashooyinka Galmudug, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxtinimo ee Aqalka Sare.

Doorashada oo saacadaha soo socda ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka, Guddiga doorashada Galmudug iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Khilaaf siyaasadeed ayaa maalmihii dambe ka taagnaa labada kursi ee Maanta doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafka, kadib dadaalo kala duwan oo la sameeyay.

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa noqon doona maamulka ugu dambeeya ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts