HomeWararMaamulka Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan geliyay degaan lagu dagaalamay

Maamulka Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan geliyay degaan lagu dagaalamay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xabad joojin ka dhaqan galisay deegaanka Dhagtuur ee ku yaalla Koonfurta Gopbolka Mudug, kadib markii saacadihii lasoo siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah. Mas’uuliyiin isugu jira Maamulka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka labada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xabad joojin ka dhaqan galisay deegaanka Dhagtuur ee ku yaalla Koonfurta Gopbolka Mudug, kadib markii saacadihii lasoo siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira Maamulka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa ku baxay joojinta dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Dhagtuur.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ku guuleystay deminta xiisada Colaadeed ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka jirta degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana u dhexeeysay dad xoolo dhaqato ah oo degaanka wada dega.

Dhinacyada oo ku kulmay duleedka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, iyagoona maanta la filayo inay isugu yimaadan Shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday.

3 qof oo xoolo dhaqato ah ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay degaanka Dhagtuur ee ku yaalla Koonfurta Gopbolka Mudug, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in dilalkaas dhacay ay salka ku hayaan anooyin qabiil.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts