Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland.
Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 5 Guddi oo kala ah:-
Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha
Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka
Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo
Isgaarsiinta
Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda
Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo
Kaabayaasha Dhaqaalaha
Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.