HomeWararQM oo shaacisay inay korortay Tirada Dad Somaliland kasoo Raaftay Laascaanood

QM oo shaacisay inay korortay Tirada Dad Somaliland kasoo Raaftay Laascaanood

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah oo uu saaray ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle. Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ayaa war qoraal ah oo uu saaray ku sheegay in 24 qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.

Sida uu sheegay xafiiskaasi, magaalada Ceerigaaba waxa iyadana kasoo barakacay 75 qof oo soo gaaray Gaalkacayo iyo Baydhaba kadib markii sida la sheegay mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku baxaan ilaa 21-ka Oktoobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

- Advertisement -

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan.

Soo saarista qasabka ah ee dadkaasi ayaa walaac abuurtay sida uu sheegay xafiiskaasi. Waxay lagu sheegay warbixintaasi in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur; hantina ay kasoo tageen.

Dawladda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaaraysay tallaabooyinka ay mas’uuliyiinta Somaliland kusoo saareen dadkaasi oo ay ku tilmaameen kuwo ka baxsan bani’aadminnimada. Hase yeeshee mas’uuliyiinta amniga ee Somaliland waxay difaaceen tallaabadaasi waxayna sheegeen in loo qaaday sababo dhinaca amniga ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts