HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo farriin Culus u diray Dowladda Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo farriin Culus u diray Dowladda Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed farmaajo ayaa ka hadlay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Cadaaladda adduunke ee ICJ. Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay Kiiska badda, ee Dowladda Kenya u diiday in gorgortan la la galaan, kuwaasi oo ku adkeystay go’aanka Maxkamadda. Madaxweyne Farmaajo oo khudbaddiisu u badnayd mid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed farmaajo ayaa ka hadlay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Cadaaladda adduunke ee ICJ.

Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay Kiiska badda, ee Dowladda Kenya u diiday in gorgortan la la galaan, kuwaasi oo ku adkeystay go’aanka Maxkamadda.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo oo khudbaddiisu u badnayd mid mahadcelin ah ayaa si gaar ah waxaa uu ugu mahadceliyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo isago dacwadda furay,waxaana sidoo kale uu Madaxweyne farmaajo uu doorkooda ku ammaanay RW Wasaare ku xigeenka dalka iyo shaqsiyaadkii ka qayb qaatay Dacwadda badda.

Waxaa sidoo kale uu Farmaajo shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay xadgudubyo waa weyn ka gaystay dalka, isagoo sheegay in dad shacab ah ay duqeymo ku dishay, sidoo kalena ay si cad ugu xad gudubtay madaxbannaanida Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray in Dowladda Kenya ay faragalin qaawan kusoo qaadday Dowladdaan hadda muddo xileedku ka dhammaaday, iyadoo sidoo kale Dowladda Kenya ay ku xadgudubtay qaranimada Soomaaliya,iyadoo Madaxweynuhu uu ka dhawaajiyay in maamul Goboleedyada dalka ay si toos ah u faragalisay taasi oo uu sheegay in Dowladdiisu ay iska diiday.

- Advertisement -

Kenya ayuu ugu baaqay in ay u hoggaansanto go’aank kasoo baxay maxkamadda Caalimaga ah ee ICJ, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay in ilaaliso madaxbannaanida iyo qaranimada Soonaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu dhankooda baaq  u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in loo baahn yahay in laga wada shaqeeyo qaranimada iyo horumarka dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts