HomeWararLaamaha amniga Magaalada Marka oo joojiyay Gaadiidkii u soo safri jiray Muqdisho

Laamaha amniga Magaalada Marka oo joojiyay Gaadiidkii u soo safri jiray Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Laamaha amniga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta si KMG ah u joojiyay gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaalada ee usoo Safri jiray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ma jiro waqti rasmi ah oo laamaha amniga Marka ay u qabteen dib u fasixida gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaaladaas ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Laamaha amniga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta si KMG ah u joojiyay gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaalada ee usoo Safri jiray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ma jiro waqti rasmi ah oo laamaha amniga Marka ay u qabteen dib u fasixida gaadiidkii kasoo bixi jiray Magaaladaas ee soo aadi jiray Muqdisho, waxaana gaadiidley safarka lagu wargeliyay in la joojiyay ka bixitaanka Marka.

- Advertisement -

Taliyaha Ururka 14-aad ee Guutada 14-ka Octoober ee xoogga dalka Gaashaanle Cabdiraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in baaritaano iyo Tirakoob ku sameeyn doonaan gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee safarka uga baxa Marka.

Arintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysa, iyada oo duhurnimadii shalay Qarax miino uu ka dhex dhacay Garaash lagu sameeyo gaadiidka oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee Marka, ayna ku qaraxday Ninkii diyaarinayay oo horey laamaha amniga u xireen, balse la sii daayay.

Taliye Cabdiraxiin Muunye ayaa sheegay inay la wareegeen Garaashka uu qaraxa ka dhex dhacay, isla markaana ay baaritaano ku wadaan Garaashkaas, iyagoona Maanta joojiyay gaadiidkii Marka kasoo bixi jiray ee Safarka u soo aadi jiray Magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts