HomeWararAbaar iyo biyo la'aan baahsan oo ka jira degaano ka tirsan Jubbada...

Abaar iyo biyo la’aan baahsan oo ka jira degaano ka tirsan Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ka jirto abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqato oo degmadaas kunool. Abaarta ka jirta Badhaadhe ayaa waxaa ku le’day xoolihii ugu badnaa oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato oo kunool degmadaas iyo tuulooyin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ka jirto abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqato oo degmadaas kunool.

Abaarta ka jirta Badhaadhe ayaa waxaa ku le’day xoolihii ugu badnaa oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato oo kunool degmadaas iyo tuulooyin hoostega, waxaana la sheegay in dadka deegaanka ay ku adkaatay nolosha, kadib markii la waayay cunto iyo biyo.

- Advertisement -

Dad ku sugan Badhaadhe ayaa waxaa ay kusoo warrameen in xaalad adag oo abaar baahsan ah ay ka jirto degmada oo ay ugu dan tahay biyo la’aan saameysay dadka iyo xoolaha, iyagoona sheegay in Jiirgaanki biyo ah la iibinayo 20 kun oo Shillin Soomaali ah.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Badhaadhe Yuusuf Maxamed Ibraahim oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in abaarta ay saameysay tuulooyin badan oo degan yihiin qoysas danyar ah, isla markaana dadka ay heysato xaalad biyo la’aan ah.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay inay jiraan dad farabadan oo isaga barakacay oo nolol u raadsaday deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Carabka ku dhuftay in gurmad biyo dhaamin loo sameynayo dadkaas.

- Advertisement -

Si kastaba Abaar baahsan ayaa ka jirto deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, iyadoona xoolihii ugu badnaa oo lo’ ah ay ku la’deen, waxaana sii kordhaya dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta oo aadaya Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts