Nin hubeysan ayaa maanta rasaas ku furay xarunta jaamacad ku taalla dalka Ruushka, isaga oo dilay ugu yaraan sideed qof, sida ay sheegeen dambi-baarayaasha.
Waa toogashadii labaad oo arday lagu beegsado oo sanadkan ka dhacda dalkaas.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad daaqadaha jaamacadda oo ku taalla magaalada Perm kasoo tuuraya agabyadooda kahor inta aanay kasoo boodin.
Guddiga baara dambiyada waa weyn, ayaa sheegay in sidoo kale dhowr qof oo kale lagu dhaawacay weerarka jaamacadda Perm State National Research University, islamarkaana ninka weerarka fuliyey oo arday ka ah jaamacadda la dhaawacay, lana xiray.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalka muujinaya qofka weeraka fuliyey oo xiran dhar madow iyo koofida adag ee lagu kaxeeyo mootooyinka, islamarkaana sita qori isaga oo dhex socda jaamacadda.