HomeWararRW Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

RW Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaasi oo ku howlan soo xulista xildhibaanada Gobolada Waqooyi kasoo galaya Dowladda Federaalka. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen  Rooble, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kuwaasi oo ku howlan soo xulista xildhibaanada Gobolada Waqooyi kasoo galaya Dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen  Rooble, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guled Khadar iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

- Advertisement -

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa si weyn diiradda loogu saaray qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi, waxaana sidoo kale laga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa arrimaha doorashooyinka ee dhanka Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay RW ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana uu shegay in kulanka maanta ay kaga hadleen qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi.

Mahdi Guuleed waxaa uu intaasi ku daray in Doorashada Gobolada Waqooyi si toos ah loo guda gali doono Todobaadka soo socda, iyadoo ay hadda si hab sami leh u socoto soo xulista xubnaha u tartamaya kuraasta Aqalka sare, ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

- Advertisement -

Horay waxaa heshiis looga gaaray khilaafkii u dhexeyay Mahdi Mxamed Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, iyadoo la mideeyay labadii dhinac ee kala taabacsanaa Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, waxaana la isla qaatay in Guddi la isla qaato, waxaana tallaabadaasi soodhaweyay RW Rooble iyo xubno ka mid ah Midowga Musharixinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts