HomeWarar90 ka mid ah xarumaha warbaahinta Afghanistan oo xirmay

90 ka mid ah xarumaha warbaahinta Afghanistan oo xirmay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso qabsashada guud ahaan Afghanistan ayaa in ka badan 90 xarumo warbaahineed la xiray, waxaana sii kordhay walaaca laga qabo badqabka saxafiyiinta dalkaas. Saraakiisha Afghanistan ayaa Arbacadii sheegay in inta badan xarumahan ay ku yaalleen gobollo Taalibaan ay qabsatay. Sida ay xaqiijiyeen weriyeyshaasha iyo saraakiisha kale ee warbaahinta, Koofurta gobolka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso qabsashada guud ahaan Afghanistan ayaa in ka badan 90 xarumo warbaahineed la xiray, waxaana sii kordhay walaaca laga qabo badqabka saxafiyiinta dalkaas.
Saraakiisha Afghanistan ayaa Arbacadii sheegay in inta badan xarumahan ay ku yaalleen gobollo Taalibaan ay qabsatay.

Sida ay xaqiijiyeen weriyeyshaasha iyo saraakiisha kale ee warbaahinta, Koofurta gobolka Helmand oo keliya waxaa la xiray 12 idaacadood iyo afar TV sababo la xiriira dagaalka xooggan oo ka socda caasimadda gobolkaas ee Lashkar Gah.

- Advertisement -

“Dadku kama bixi karaan guryahooda,” ayuu yiri Sifatullah Zahidi, oo ah aas-aasaha Radio Sukoon ee Helmand. “Badqabkenna dartiis, waxaan xirnay warbaahinteenna laba maalmood kahor inta uusan dagaalku ku fidin aagga magaalada saldhiggeennu yahay” ayuu sii raaciyay.

Taalibaan ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay dowladda Afghanistan gacanta ku hayso, waxayna sheegeen inay qabsadeen sagaal caasimad goboleed.

Shiwai Sharq, oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee Afghanistan ayaa VOA u sheegay in 46 wariye ay ka soo guureen gobollada una wareegeen Kabul sababo la xiriira dagaalada iyo hanjabaadaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts