HomeWararCiidamo hor leh laguna soo tababaray Turkiga oo kasoo degay Muqdisho

Ciidamo hor leh laguna soo tababaray Turkiga oo kasoo degay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7-Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga. Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlaayay soo dhaweynta Ciidanka yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7-Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlaayay soo dhaweynta Ciidanka yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dadaal ku bixisay dhismaha Ciidanka Xoogga dalka.

- Advertisement -

Jeneraal Biixi ayaa tallaabada dhismaha Ciidamada uga mahadceliyay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay horumarinta Ciidanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen ayaa tilmaamay in Hanaanka qoridda kumaandooska Gorgor la qorsheeyay, isla markaana xusay in Ciidamada lagu sameeyay dib u dhis ballaaran, isagoona u mahadceliyay Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageerta dhismaha Ciidamada, waxaana dalkaas tababar kusoo qaatay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidanka, iyadoona ay horey Muqdisho u soo gaareen Ciidamo soo qaatay tababaro.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts