HomeWararBarlamaanka Puntland oo shaaciyay cidda hor-taagan fulinta heshiiska DP WORLD

Barlamaanka Puntland oo shaaciyay cidda hor-taagan fulinta heshiiska DP WORLD

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulan kula qaatay xubnaha Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas. Kulanka ayaa ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha. Xildhibaanada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulan kula qaatay xubnaha Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas.

Kulanka ayaa ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha.

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo kulanka ka hadlaayay ayaa ka hadlay cidda hor taagan fulinta heshiiska Shirkadda DP World ee ku aadan horumarinta dekedda Magaalada Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay is hor istaag ku saameysay fulinta heshiiskii DP World ee horumarinta dekedda Boosaaso, isla markaana uu dhaqan geli waayay heshiiska.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo su’aalo uga jawaabayay Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas ayaa eedeynta u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Si kastaba heshiiska Shirkadda DP World ee ku aadan horumarinta dekedda Boosaaso eeXarunta Gobolka Bari ayaa la saxiixay 6 April 2017, waxaana Baarlamaanka dowladda Federaalka uu heshiiskaas waxba kama jiraan ku tilmaamay 12 Maarso 2018.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts