HomeWararFarmaajo oo la kulmay Qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed Codsina u diray

Farmaajo oo la kulmay Qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed Codsina u diray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada Qaranka kulan afur gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalka Soomaaliya lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda Federaalka. Madaxweynaha ayaa culimada ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada Qaranka kulan afur gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalka Soomaaliya lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo kuboggaadiyey kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka wax loogu yeero xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta dalka iyo nabadeynta dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts