HomeWararBanaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo ka socda Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu haatan ka socdaa Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu baxay bartamaha Isgoyska Fagax, iyagoona ka careysan muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyeen Golaha Shacabka. Qaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu haatan ka socdaa Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu baxay bartamaha Isgoyska Fagax, iyagoona ka careysan muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyeen Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka dhigaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, hadhaco iyo erayo), waxaana hareeraha laamiga ay ku gubayaan taayaro waaweyn, sida lagu arkay Muuqaalo laga duubay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa duhurnimadii Maanta la wareegay Fagax iyo xaafaddo ka tirsan Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa.

Ciidamada oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa xalay ku hoyday deegaano dhaca duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidanka ay kasoo horjeedan muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggamineysa Ciidamada ayaa la filayaa inay warbaahinta la hadlayaan, waxaana goobta uu banaanbaxo ka socda ku sugan Ciidanka Milateriga, iyadoona la sheegay inay halkaas isaga tageen Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts