HomeWararWararkii ugu dambeeyay Guddoomiye degaan oo Qarax lagu dilay

Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiye degaan oo Qarax lagu dilay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo fiidnimadii xalay ka dhacay gudaha degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino la geliyay Guriga Guddoomiyaha deegaanka leego oo qaraxaas lagu dilay, xili uu ku sugnaa Gurigiisa, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo fiidnimadii xalay ka dhacay gudaha degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa miino la geliyay Guriga Guddoomiyaha deegaanka leego oo qaraxaas lagu dilay, xili uu ku sugnaa Gurigiisa, ayna dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa.

- Advertisement -

Guddoomiyihii leego oo lagu magacaabi jiray Xasan Gucdur ayaa muddooyinkii dambe deganaa Guri ku yaalla Wanla-weyn ee Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxa kadib degmadaas laga maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka Maamulka.

Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan ayaa tegay halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuum Xasan iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo dhsawacmay, kuwaasi oo ka geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa waxaa ay intaas kusii darayaan in Ciidanka Maamulka Wanla-weyn ay gudaha degmada ka wadaan howlgal baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxii lagu dilay Guddoomiyaha.

- Advertisement -

Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfutr Galbeed ayaa waxaa ay horey uga dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo  miino iyo mid toos ah oo lagu qaaday Mas’uuliyiin ku sugnaa halkaas iyo Ciidanka dowladda, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts