HomeWararQarax khasaaro geystay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Kenya

Qarax khasaaro geystay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Kenya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog lagula eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas. Gaariga ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog lagula eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas.

Gaariga ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Ugu yaraan hal ruux oo ahaa Darawalkii waday ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaariga, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo Kenya leedahay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoona sheegay inay ku dileen Darawalkii gaariga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Askar Ciidan.

Saraakiisha Ciidanak Milateriga dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkii lagu qarxiyay Askar ka tirsan Ciidankooda oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan Gobolka Lamu ee gudaha dalkaas.

- Advertisement -

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, xili ay socdaal ku jireen, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts