HomeWararShirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada oo maalintii 2-aad ka socda Afisyooni

Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada oo maalintii 2-aad ka socda Afisyooni

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Shir u dheexeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shalay ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa Maanta galay maalintii labaad, waxaana Shirka labaad uu furmay goor dhaweyd. Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlayaa Ajendayaasha Shirka Wadatashiga doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa oo Madaxda ay isku fahmi la’yihiin in muddo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shir u dheexeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shalay ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa Maanta galay maalintii labaad, waxaana Shirka labaad uu furmay goor dhaweyd.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlayaa Ajendayaasha Shirka Wadatashiga doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa oo Madaxda ay isku fahmi la’yihiin in muddo ah.

- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, dhamaan Madaxda maamul Goboleeydada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Shirka socda.

Shirka maanta ayaa waxaa yahay in la guda galo ajandaha shirka soo socda in dhinacyada isku afgartaan, sida qorshuhu yahay waxaa la filayaa in la soo saaro war murtiyeedka Ajandaha shirka soo socda xilliga la qabanayo iyo maalmaha uu socon doono waa haddii la isku fahmo.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in shalay Madaxda ay siweyn dood ku aadan Ajendayaasha shirka soo socda ay dhexmartay, in kastoo la tilmaamay in uusan jirin wax horumar ah oo Madaxda ay wada gaareen.

- Advertisement -

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa cadaadis xoogan uu uga imaanayaa Beesha Caalamka oo dooneysa in Madaxda Soomaalida ay heshiis rasmi ah ka gaaraan doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts