Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Sacuudiga waxa uu xalay ka soo ambabaxay caasimadda dalkaasi ee Riydh,halkaasi  oo uu kaga qeyb galay Shirweynihii Afaraad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha Carabta iyo kuwa Latin Amerika.
Madaxweynaha waxa uu isla xalay ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee King Abdiazis International Airport oo ku yaalla magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, isagoo isku diyaarinayo inuu guto Waajibaadka Cimradda, iyo inuu soo booqdo Masjidka iyo Kacbadda Barakaysan ee Maka Al-mukarama.
Madaxweynaha oo isagoo xiran Dharka u gaarka Cimradda iyo Xajka  waxa Garoonka King Abdiaziz ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobalka Maka,Amiir Sacuud Bin C/llaahi Bin Jalawi iyo Wakiilo ka socday Waaxda Borotokoolka ee Boqortooyadda Sacuudiga iyo Saraakiil kale.
© Warqabadka Radio Dalsan