HomeWararDadka Maraykanka oo looga digay in ay booqdaan Kenya iyo weeraro la...

Dadka Maraykanka oo looga digay in ay booqdaan Kenya iyo weeraro la filan karo.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa maanta soo saartay Digniin ku aadan Khatarta dhinaca Safarka ee dalka Kenya, iyadoo Muwaadiniinta Maraylanka looga digay inay booqasho ku tagaan dalkaasi. War-qoraal ah oo la soo dhigay Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Maraykanka garwaaqsadaan Khatarta cabsida ee Alshabaab iyo kororka Dembiyadda ka dhacayo qeybo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

TRAVEL GOVWaaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa maanta soo saartay Digniin ku aadan Khatarta dhinaca Safarka ee dalka Kenya, iyadoo Muwaadiniinta Maraylanka looga digay inay booqasho ku tagaan dalkaasi.

War-qoraal ah oo la soo dhigay Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Maraykanka garwaaqsadaan Khatarta cabsida ee Alshabaab iyo kororka Dembiyadda ka dhacayo qeybo ka mid ah dalka Kenya.

- Advertisement -

Dowladda Maraykanka waxay weli helaysaa Warbixino loo-qaateen ah oo ku aadan Weeraro Argagixiso oo ka dhan ah Danaha Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ku leeyihiin Kenya.

Qoraalka waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay inay Khatarahaasi ka dhici karaan Nawaaxiga magaalladda Nairobi, Gobalka Xeebta iyo Gobalka W/bari Kenya.

Digniinta maanta ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa kaloo lagu sheegay inay dhici karaan Falal Argagixiso oo ay ku jiraan Hawlgallo Is-qarxin iyo qaraxyo loo adeegsanayo gawaari, Afduub, Weerar lagu qaado Waaxda Duullimaadka Rayidka Kenya iyo Maraakiibta taagan Dekeddaha Kenya iyo kuwa maraya Badda Kenya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Kenya waxaa lagula taliyey inay Taxadaraan, isla markaana aysan tegin goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Hoteelladda, Goobaha habeenkii lagu caweeyo, Xarumaha Dukaamaysiga, Boosteejooyinka Basaska iyo goobaha Cibaadaysiga.

Digniintan ayaa soo baxday hal maalin kadib, markii ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka sheegtay inay 27-million oo Dollar dul-dhigeen 6 Hoggaamiye oo ka tirsan Taliska Sare ee Xarakadda Alshabaab.

Waxaana Madaxda lacagta la dul dhigay ka mid ah Hoggaamiyaha Alshabaab, Abu Cubaydah, Mahad Karataay, Macallim Salmaan iyo Axmed Iimaan Cali.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts