HomeWararAkhriso:-Taariikh nololeedkii Cali Mahdi Maxamed

Akhriso:-Taariikh nololeedkii Cali Mahdi Maxamed

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii  markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar  u aaday waxbarasho. Madaxweyne marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii  markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar  u aaday waxbarasho.

Madaxweyne marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo Barlamaankii Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu da’da  yaraa ee xubin ka noqda golaha Barlamaanka Soomaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.

Madaxweyne Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waa weyn  ee dalka.

Sanadahii siddeetamaadkii Madaxweyne Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre.

- Advertisement -

Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, sanadkii  1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, xafiiska  intii  uu joogay waxay aheyd Jannaayo, 1991 ilaa Juun, 1995.

Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.

Madaxweyne Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenay. waxaa jiro waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono Alle u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi oo caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“إنا لله وإنا إليه راجعون”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts