HomeWararMadaxweynaha oo Golaha Wasiirrada kula dardaarmey dardar gelinta hawlaha dowladda

Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada kula dardaarmey dardar gelinta hawlaha dowladda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada. Kulanka ayaa waxaa looga doodayey qorshaha dowladda ee dib u eegista miisaaniyadda 2015 iyo shirka lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho dabayaaqadda bishan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka (High Level Partnership Forum HPLF). Madaxweynaha oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada.

Kulanka ayaa waxaa looga doodayey qorshaha dowladda ee dib u eegista miisaaniyadda 2015 iyo shirka lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho dabayaaqadda bishan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka (High Level Partnership Forum HPLF).

- Advertisement -

Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Wasiirrada ay la yimaadaan siyaasad horey loogu sii dhaqaajinayo barnaamijyada horumarinta ee dowladda, isla markaana ay muujiyaan mas’uuliyad wadareed la xiriira hawlaha qaranka.

“Si loo xoojiyo daah-furnaanta waxaa inaga go’an inuu jiro isla xisaabtan, mas’uul kastana lagu qiimeeyo waxqabadkiisa iyo daacadnimada uu qaranka ugu adeegayo. Waa in wasaaradaha ay xogta isla wadaagaan, isla markaana wadatashiga la xoojiya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmey Golaha Wasiirrada inay ka shaqeeyaan dhameystirka qaab dhismeedka wasaaradaha, tallaabadaas oo uu sheegay inay wax ka tareyso in bulshada loo fidiyo adeegyadii ay u baahnaayeen.

- Advertisement -

Shirkaasi ayaa Golaha Wasiirrada waxaa uu ku ansixiyey talo soo jeedinta barnaamijka dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2015.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A7617
IB0A7535
IB0A7544
IB0A7610
IB0A7556
IB0A7508
IB0A7576
IB0A7529
IB0A7519
IB0A7515
IB0A7483

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts