HomeCaalamkaSawirro:-Askari Somali-Maraykan loo heyso dilka Haweeney Australian ah oo la Maxkamadeyn...

Sawirro:-Askari Somali-Maraykan loo heyso dilka Haweeney Australian ah oo la Maxkamadeyn doono

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Askarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa sheegay  inuu adeegsan doono Istaraatijiyad uu kuwo kale ku difaacayo, marka ay Dacwadiisa bilaabantay bisha April kowdeeda ee sannadkan. Askariga ayaa waxa uu ku eedeysan yahay inuu toogasho ku dilay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Jastin Daamond Ruskasayk bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii. Qareenadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Askarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ayaa sheegay  inuu adeegsan doono Istaraatijiyad uu kuwo kale ku difaacayo, marka ay Dacwadiisa bilaabantay bisha April kowdeeda ee sannadkan.

Askariga ayaa waxa uu ku eedeysan yahay inuu toogasho ku dilay Haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Jastin Daamond Ruskasayk bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Qareenadda Maxamed Nuur waxay mar kale xaqiijiyeen inay buuxiyeen Fayl-dacwadeed oo ay Jimcihii u gudbiyeen Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota, waxayna ku sheegeen inuu Askariga Somali-Maraykanka  ku dhawaaqi doono inuusan gelin Dembiyadda heerka 2-aad iyo 3-aad ee Dacwada Dilka ee lagu soo oogay.

Difaacidda kuwa kale ayaa ah Xuquuq loo isticmaali karo xaqiijinta maa difaacidda qof noloshiisa ama nolosha dad kale.

Qareenadda waxay tilmaameen inuu Askariga sheegi doono inuu Is-difaac  Nafsadeed ahaa toogashada ay Haweeneyda u dhalatay Australia ku geeriyootay.

- Advertisement -

Faylkan cusub waxa uu intaasi ku daray “ Difaaca kuwa kale”, xilii uu Maxamed Nuur markiisa 4-aad isku difaaci doona dacwadda bisha April kowdeeda ka furmi doonta Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Askariga Somali-Maraykanka lagu helo Dilka Heerka 2-aad waxa u muteysan karaa Xabsi 40-sanno ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts