HomeCaalamkaTurkiga oo jawaab ka bixiyay hanjabaad uga timid Donald Trump

Turkiga oo jawaab ka bixiyay hanjabaad uga timid Donald Trump

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga o olagu magacaabo Ibraahim Kalin waxa uu bartiisa Twitter-ka kaga jawaabay hadalkii Trump ku sheegay inay Turkiga muteysan doonaan Cunaqabatayn Dhaqaale, haddii ay weeraraan Maleeshiyadda Kurdishka YPG ee ku nool gudaha dalka Syria.

Afhayeenka, waxa uu kaloo uu sheegay inaysan wax kala-duwanaansho ah u dhexeynin Kooxda Xag-jirka Daacish iyo Maleeshiyadda Badbaadada Dadka Kurdishka ee YPG.

- Advertisement -

“Waan sii wadi doonaa Dagaalka ka dhanka ah dhamaantooda” ayuu sii raaciyey Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga.

Dhinaca kale, Qiimaha Lacagta Liiraha Turkiga ayaa la sheegay inuu maanta hoos u dhacay marka lagu sarifayo Dollarka Maraykanka.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa  Digniintii Madaxweynaha Maraykanka ku sheegay in Turkiga dhaqaale ahaan u burburi doono, haddii ay Turkiga weeraraan Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG ee ku sugan gudaha dalka Syria.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories