HomeCaalamkaMid ka mid ahaa Soomaalidii ku eedeysanaa Weerarkii Westgate Mall oo la...

Mid ka mid ahaa Soomaalidii ku eedeysanaa Weerarkii Westgate Mall oo la sii daayey

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi  waxaa maanta la soo taagay 4 Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay weeerarkii Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall lagu qaaday sannadkii 2013-kii.

Eedeysanayaasha waxaa si wadajir iyo si shaqsi-shaqsi loogu so ooogay inay qorsheeyeen waxa loogu yeeray Weerar Argagixiso iyo dembiyo kale, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Garsooraha Guud ee Maxkamadda Nairobi oo lagu magacaabo Francis Andayi waxa uu fasaxay mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Aadan Dheeg.

Sidoo kale, Maxkamadda waxay dib u dhigtay dhegeysiga Dacwad loo haysto 3 Eedeysane oo lala xiriirinayo Weerarkii Westgate Mall, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Cabdi, Liibaan Cumar iyo Xuseen Mustafa.

Dhegeysiga Kiiskooda waxaa dib loo dhigay ilaa bishan Janaayo 21-da, iyadoo Dhegeysiga Kiiska Westgate Mall uu soo bilowday bishii Janaayo 15-dii ee sannadkii 2014-kii.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey u sheegeen inay iyagu ka dambeeyeen  Weerarka  lagu qaaday Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall ee Nairobi oo dhacay bishii September 21-dii ee sannadkii 2013-kii, isla markaana ay  67 qof ku geeriyootay, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Latest stories