Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Somaaliya Cabdi Casiis Xasan Mohamed Laf-tagareen ayaa Maanta shir gadoomiyay shirkii ugu horeeyay Gollaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ,tan iyo inta xilka Madaxweynimo loogu wareejiyay.
Shirka aya waxa looga hadley Qodobo badan oo ay ka mid yihiin Amniga Guud ee Deeganada Koonfur galbeed soomaaliya iyo Rabshadihii Markii doorashada koonfur galbeed Diyaar Garowgedi lagu jirey Baydhabo ka dhacay ,Madaxweynaha aya Gollaha wasiiarada koonfur galbeed ku amaaney sida wanaagsan ula soo shaqeeyeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugaas xasan Cabdi Maxamed,Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Faafahin ka bixiyay Waxyaabihii looga Hadley shirka Golaha wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed soomaaliya.