Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.
Dad ku sugan Baladweyne ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Saldhiga Booliska Magalada Baladweyne,isla markanaa jugtiisa inta badan laga maqlay Magalada Baladweyne.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miino Jawaan lagu soo qariyay oo la dhigay agagaarka Saldhiga,sidaasina uu ku qarxay,waxaana dad ku sugan Baladweyne ay sheegeen in laba ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaas.
Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa xiray Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Saldhiga Baladweyne ee uu qaraxa ka dhacay.