HomeCaalamkaJapan oo lagu daldalay laba Nin oo dil geystay 20-Sano ka hor

Japan oo lagu daldalay laba Nin oo dil geystay 20-Sano ka hor

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka Caddaaladda ee dalka Japan, Takashi Yamashita oo  Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Tokyo ayaa sheegay in labo nin saakayto la daldalay, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay: KEIZO KAWAMURA oo 60-jir ah iyo HIROYA SUEMORI oo 67-jir ah. Gacan-ku-dhiiglayaasha waxaa lagu helay dil ay sannadkii 1988-kii u geysteen nin madax ka ahaa Shirkad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Caddaaladda ee dalka Japan, Takashi Yamashita oo  Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Tokyo ayaa sheegay in labo nin saakayto la daldalay, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay: KEIZO KAWAMURA oo 60-jir ah iyo HIROYA SUEMORI oo 67-jir ah.

Gacan-ku-dhiiglayaasha waxaa lagu helay dil ay sannadkii 1988-kii u geysteen nin madax ka ahaa Shirkad Maalgelin iyo nin kale oo shaqaale ka ahaa Shirkadaasi, iyagoo maydadkooda ku aasay  dhismo Masrax ama Tiyaar ku yaalla buur dhakadeeda.

- Advertisement -

Gacan-ku-dhiiglayaasha waxay kaloo weerarkaasi ku  dhaceen lacag dhan 100 million ee Lacagta Yen-ka Japan oo qiimo ahaan haatan u dhiganta 900,000 oo dollar.

Daldalaadda maanta ka dhacday dalkaasi waxay imaanaysa 5 bilood kadib, markii dil lagu xukumay dad loo haystay weerarkii loo adeegsaday sunta Sariinka ee ka dhacay Xarunta laga raaco Tareenadda dhulka hoostooda maraan ee magaalladda Tokyo.

Dalka Japan waxaa xukunka Dilka ugu dambaysay sannadkii 2004-tii,  iyadoo tirada Gacan-ku-dhiiglayaasha ee sannadkan lagu dilay dalkaasi gaarayaan  ilaa 15 qof.

- Advertisement -

Sidoo kale, in ka badan 100 qof ayaa ah Dil-sugayaal, kuwaasi oo lagu hayo Xabsiyadda dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts