Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyey weeraradii ay Dagaalamayaasha Alshabaab xalay ku qaadeen Hotelladda Siyaad, Wehliye iyo Fariisinka Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Ciyaaraha ee Mogadishu Stadium, ee ay ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen dad rayid ahaa.
“Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa weeraradii shalay ee ka dhacay Muqdisho, waxaana ka argagaxay dadkii rayidka ahaa ee ay kuwii weeraradda qaaday dileen†ayuu yiri Nichola Kay.
Waxa uu intaasi ku daray inay weeraradaasi dhaceen xilligii ay Muslimiinta u afurayeen, salaadda kadib.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay waxa uu ammaanay tallaabadda dhaqsaha leh ee ay qaadeen Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM, oo uu xusay inay aad ugu guuleysteen sidii looga hortagi lahaa inaysan weeraradaasi geysanin khasaaro badan.
Waxa uu intaasi ku daray inay QM, AMISOM iyo Beesha Caalamka sii xoogan u wadi doonaan sidii loo dhisi lahaa Ciiddanka Ammaanka Qaranka oo xooggan iyo Hay’addaha Dowladda si ay u sugaan ammaanka dalka.
Nicholas Kay waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibadda dadkii ku geeriyooday weeraradii xalay, wuxuuna u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay weeraradaasi inay ka soo kabtaan dhaawacyadda.
© Radio Dalsan