Magalada Baydhabo ayaa waxaa hataan ka socota doorashada Madaxwenaha Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan 5 Musharax,kuwaas oo la doonayo in mid ka mid ah musharixiinta uu xlkaas ku guuleysto.
Musharixiinta doorashada ku taramaya ayaa waxa ay kala yihiin.
Aadan Maxamed Nuur Saransoor.
 Xuseen Cismaan Xuseen
 Ibraahim Macalin Nuunow
Seyid Axmed Sheeikh Daahir
Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen
Tirinta Codadka ayaa weli socota waxaana haatan codadka ugu badan heysta Musharaxa Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen,waxaana sidoo kale ku xiga musharaxa Aadan Maxamed Nuur Saransoor.
Weli natiijada lagama hordhici karo,hayeeshee Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa natiijada qofka ku guuleysta Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.