HomeCaalamkaSawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Magaalada Geneva

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Magaalada Geneva

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng Yarisow) oo la kulmay dhiggiisa Duqa magaalada Geneva ee dalka Switzerland Mudane Sami Kanaan ayaa kala hadlay hirgelinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada magaalo. Eng Yarisow ayaa uga mahadceliyey Duqa Geneva soo dhoweynta iyo martigelinta, isagoona uga warbixiyey horumarka Caasimadda, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng Yarisow) oo la kulmay dhiggiisa Duqa magaalada Geneva ee dalka Switzerland Mudane Sami Kanaan ayaa kala hadlay hirgelinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada magaalo.

Eng Yarisow ayaa uga mahadceliyey Duqa Geneva soo dhoweynta iyo martigelinta, isagoona uga warbixiyey horumarka Caasimadda, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay dhiggiisa Geneva qorsheyaasha Maamulka Banaadir ee la xiriira xal u helista dhibaatooyinka barakacayaasha, waxa uuna soo bandhigay qorshaha xalka waara ee barakacayaasha oo Maamulka Gobolka Banaadir ay bartilmaamsanayaan sannadka 2022-ka.

Dhankiisa, Duqa Geneva Mudane Sami Kanaan ayaa ka mahadceliyey booqashada Duqa Muqdisho, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka Dowladaha Hoose ee Geneva iyo Muqdisho, iyo dhaqan gelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa la kulmay Duqa magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska Mudane Marvin Rees, iyagoona ka wada hadlay sidii la isu dhaafsan lahaa khibradaha la xiriira adeegyada Dowladaha Hoose iyo teyeynta shaqaalaha.

- Advertisement -

Eng. Yarisow ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka magaalada Brisol in ay ku gacan siiyaan Dowladda Hoose ee Xamar tayeynta shaqaalaha ku hawllan bixinta adeegyada asaasiga ah, faya dhawrka iyo naqshadaynta magaalada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts