HomeCaalamkaMareykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay boqolaal Milyan oo doolar

Mareykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay boqolaal Milyan oo doolar

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Labadii bishan ayaa dawladda Mareykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale hey’adda kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay  siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo […]

- Advertisement -

Labadii bishan ayaa dawladda Mareykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale hey’adda kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay  siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

- Advertisement -

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in  Soomaaliya  ay ka caawin doonaan dhanka,  gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka  ka soo  baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka  Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Shaqo abuurka

Mareykanka  ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600  oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen  taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono   si shaqooyin badan loo u abuuro.

Geedi socodka deen cafinta

Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.

Waxbarashada

Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa  meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed  iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

Maamulka iyo Xasilinta dalka

$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.

Latest stories