HomeCaalamkaMareykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay boqolaal Milyan oo doolar

Mareykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay boqolaal Milyan oo doolar

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Labadii bishan ayaa dawladda Mareykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale hey’adda kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay  siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Labadii bishan ayaa dawladda Mareykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale hey’adda kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in  Soomaaliya ay  siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

- Advertisement -

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in  Soomaaliya  ay ka caawin doonaan dhanka,  gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka  ka soo  baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka  Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Shaqo abuurka

Mareykanka  ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600  oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen  taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono   si shaqooyin badan loo u abuuro.

Geedi socodka deen cafinta

Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.

Waxbarashada

Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa  meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed  iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

Maamulka iyo Xasilinta dalka

$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts