HomeWararSawirro:-Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jubaland oo ku kulmay Kismaayo

Sawirro:-Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jubaland oo ku kulmay Kismaayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo. Madaxweyne ku xigeenka labaad gudoonka Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada ayaa qayb ka ahayd soo dhawaynta wafdigan. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku faraxsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad gudoonka Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada ayaa qayb ka ahayd soo dhawaynta wafdigan.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdigan ee qayb kamid ah dalkooda iyagoo waliba si gaar ah u matalaya Dowladaha xubnaha ka ah JFS.

Madaxweynahu wuxuu sheegay oo kale in Dhismaha wadanka iyo howlaha soo noolaynta rajada ay masuul ka yihiin Aqalka sare iyo odayaasha waayo araga ah ee aan lagu halayn qof ama koox gaar ah oo aan marxalada wadanka wax badan kala socon iyo halka laga yimid.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu kismaayo yimaado burburkii kadib waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta yimaado iyadoo nabadgalyo iyo Dowladnimo ay ka jirto.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in Midnimada iyo nabadgalyada dalka oo dhan la gaadhsiiyo si Soomaaliya oo dhan ay u gaarto oo wadanku u xasilo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts