HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo booqashadiisii Itoobiya soo geba gabeeyay

Madaxweyne Farmaajo oo booqashadiisii Itoobiya soo geba gabeeyay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayas Afwarqii ayaa soo gabagabeeyey booqashada ay ku joogeen dalka Itoobiya. Madaxda oo booqashadooda maalinta shalay uga billaabatay magaalada Gonder waxay shir seddex geesood ah oo ku saabsan danaha seddexda dal kala yeesheen Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheenna waxaa ka mid ahaa heshiisyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayas Afwarqii ayaa soo gabagabeeyey booqashada ay ku joogeen dalka Itoobiya.

- Advertisement -

Madaxda oo booqashadooda maalinta shalay uga billaabatay magaalada Gonder waxay shir seddex geesood ah oo ku saabsan danaha seddexda dal kala yeesheen Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Wadahadallada ay yeesheenna waxaa ka mid ahaa heshiisyada seddex geesoodka ee ay seddexda dal horay u gaareen sida loo meel mariyey.

Waxayna isla meel dhigeen heshiisyada ku saabsanaa iskaashiga dhaqaale iyo meel marinta qorshayaasha nabad ilaalinta sidi ay isaga kaashan lahaayeen inuu meel fiican maraya.

- Advertisement -

Waxayna madaxdu soo dhaweeyeen cunaqabateynka uu golaha ammaanka ee qaramada midoobay horay uu u saaray Eritrea uu goluhu doonayo inuu ka qaado.

Eritrea oo cunaqabateynka laga qaadana ay sii xoojineyso iskaashiga, nabadda iyo horumarinta gobolka.

Madaxweynaha Eretrea Isayas Afwarqii wuxuu sida oo kale soo gabgabeeyey booqashadi rasmiga ahayd uu ku joogay Itoobiya.

Waxayna madaxdu isku waafqeen in shirkooda seddex geesoodka ee kan xiga ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho

Madaxda marka ay ka duulayeen magalada Baahir Dar waxaa si weyn u sagootiyey Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin sarsare oo Itoobiya ka tirsan.

BBC SOMALI

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts