Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deeegaano iyo dagmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
Dilka koobaad ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada baarismaaciil oo ka tirsan dagmada afgooye,waxana la dilay Nin Ganacsade ahaa oo lagu Magacaabi jiray C/Xafiid Siciid Xuseen,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.
Dhinaca kale faah-faahino dheeraad ah ayaa laga heleyaa dil wadareedyo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha dilkaas. ayaa waxaa loo geystay labo ruuux oo ilaa iyo hadda aan la garan waxa ay ahaayeen.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay gudaha masjidka dabaqeynka oo ku yaalla isgoyska Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho  ayaa todobaadkan gudihiisa waxaa lagu dilay ku dhawaad 6 ruux mana  jiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha ee ku aadan dilalka ka dhaca deegaankaas.