HomeCaalamkaBooliska Masar oo dilay 19 Ruux

Booliska Masar oo dilay 19 Ruux

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sagaal iyo toban maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerrarkii ay dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Masiixiyiinta u dhalatay dalka Masar ayaa waxaa dilay booliska, sida ay sheegayso wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi. Waxa ay ku dhinteen rasaas ay iswaydaarsadeen booliska kuwaas oo ku daba jiray “canaasiirta argagixisada ah ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sagaal iyo toban maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerrarkii ay dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Masiixiyiinta u dhalatay dalka Masar ayaa waxaa dilay booliska, sida ay sheegayso wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Waxa ay ku dhinteen rasaas ay iswaydaarsadeen booliska kuwaas oo ku daba jiray “canaasiirta argagixisada ah ee baxsadka aheyd” ee ku dhuumaalaysanaysay dhulka lama degaanka ah ee galbeedka gobolka Minya, ayaa lagu sheegay bayaanka.

- Advertisement -

Todoba qof oo Masiixiyiinta Qibdhiyiinta ah ayaa lagu dilay weerrar lagu qaaday laba bas oo ay saarnaayeen oo Jimcihii marayay gobolka Minya.

Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarkaasi.

Waxa uu ahaa midkii ugu dambeeyay weerraro taxana ah oo ay kooxaha xagjirka ah ku ekaynayeen Masiixiyiinta Qibdhiyiinta Masar ee laga tirada badan yahay.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in ciidammada ammaanku ay rasaas iswaydaarsadeen “canaasiir argagixiso ah” oo ay daba socdeen, walow aanay wasaaraddu sheegin goorta uu dagaalku dhacay.

Wasaaradda ayaa waxa ay daabacday maydadka iyo teendho ay sheegtay in maleeshiyaadku ay isku qarinayeen. Qoryo, kuwo darandoorri u dhaca iyo dacaayado ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ayaa laga arki karaa meel aanan ka fogeyn maydadka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts