HomeCaalamkaAMISOM oo diyaarisay wajiga ugu dambeeya ee howlgalkooda Soomaaliya

AMISOM oo diyaarisay wajiga ugu dambeeya ee howlgalkooda Soomaaliya

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa shirka dhacay waxaa lagu go’aamiyay diyaarinta wajiga ugu dambeeya ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ka wadaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Shirkaas waxaa Goobjoog ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira iyo Saraakiil kale.

- Advertisement -

Francisco Madeira  ayaa sheegay inay diyaariyeen Dukumiinti ay ku qeexan yihiin howlgallada AMISOM ee 2019-2021,isla markaana uu qeyb ka yahay qorsho Ciidamada Dowladda loogu wareejinayo amniga dalka Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in qorshahaas uu sidoo kale ku xiran yahay inay siwadajir ah u saxiixaan Midowga Afrika iyo Taliyeyaasha Waddamada Soomaaliya ay Ciidamada ka joogaan.

Danjire Francisco Madeira ayaa qaba in Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda kaliya aan looga baahneyn dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,hayeeshee ay muhiim tahay inay qabtaan qorshayaal la xiriira mshaariic oo taageero looga heli karo dadka Rayidka ah.

- Advertisement -

Si kastaba Soomaaliya waxaa haatan ku sugan oo howlgal Nabad ilaalineed u jooga kumanaan ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ka kala socda wadama badan oo afrikaan ah.

Latest stories