Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-canood ee Xarunta Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in tiro dhalinyaro ah Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeen.
Dhalinyarada la xiray ayaa waxa ay gaarayaan in ka badan 50 Dhalinyaro ah,waxaana Shacabka Magaalada ay sheegeen in xir xiritaanka Dhalinyarada habeenadii la soo dhaafay ay ka jirtay Magalada laas-caanood.
Duqa Magaalada laas-caanood ee Maamulka Puntland Cabdi Qani Maqtal ayaa sheegay in caburinta iyo xariga Ciidamada Soomaaliland ay ku hayaan Shacabka Magalada laas-caanood ay yihiin kuwo sii xoogeystay,isla markaana tiro dhalinyaro ah Xabsi ku jiraan.
Waxa uu sheegay in badi Dhalinyarada la xiray ay isugu jiraan Ganacsato iyo Dhalinyarada ka mid ah Ciyaartoyda degmada laas-caanood,waxana uu ugu baaqay Shacabka laas-caanood inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland.
Xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Soomaaliland ayaa sii xoogeystay,waxaana ciidamada labada dhinac ay weli isku-horfadhiyaan deegaanka tukaraq ee gobolka Sool.