Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray caawa degmada Balcad.
Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in hoobiyeyaal ay goordhow kusoo dhaceyn degmada,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay hoobiyeyaashaas.
Ilaa 4 Hoobiye ayaa Caawa la sheegay in ay ku dhacday Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Hal qof ayaa lagu soo waramayaa in hoobiyaashaas uu ku dhaawacmay,sidoo kale ay jiraan Xoolo dhaawac ka soo gaaray hoobiyaashaas.
Maamulka degmada Balcad weli kama hadlin cidda Caawa hoobiyaasha ku soo weerartay degmada Balcad,waxana xusid mudan in meel aan ka fogeyn ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Kala socda Radiodalsan.com waxyaabihii ku soo kordha Warkan.