HomeWararSawirro:-Farmaajo & Odayaasha Mudulood oo ka wada hadlay arinta burburinta jardiinooyinka Muqdisho

Sawirro:-Farmaajo & Odayaasha Mudulood oo ka wada hadlay arinta burburinta jardiinooyinka Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Saddexdii Bishan July ayaa Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow waxaa mudo 30 Cisho ah lagu amray Ganacsatada  in la baabi’inayo heshiisyadii lagu saxiixay Goobaha Jardiinooyinka iyo Beeraha ee muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalma ka hor waxa uu Muqdisho kulan kula qaatay Odayaasha iyo waxgaradka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saddexdii Bishan July ayaa Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow waxaa mudo 30 Cisho ah lagu amray Ganacsatada  in la baabi’inayo heshiisyadii lagu saxiixay Goobaha Jardiinooyinka iyo Beeraha ee muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalma ka hor waxa uu Muqdisho kulan kula qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Mudulood kulankaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa waxaa sidoo kale la’iskula soo hadal qaaday arrinta baabbi’inta heshiiskii darjiinooyinka.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xaalada dalka iyo Odayaasha qaar  tabashooyin ay dowladda ka qabeen, gaar ahaan arrimaha ka jira Caasimadda,sida Wadooyinkii xirnaa wallow dib loo furey.

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Mudulood ee kulanka ka qeyb galay ay Madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen hakinta amarka lagu doonayey in lagu bur buriyo goobaha Darjiinooyinka iyo Beeraha Muqdisho ee Ganacsatadu ay leeyihiin.

Ganacsatada Muqdisho ayaa arrintaasi cabasho ka keenay,taas oo keentay in Odayaasha Dhaqanka ay Madaxweynaha kala hadlaan,taasina uu ka aqbalay,waxan Odayasha ay Madaxweynaha sidoo kale ka dalbaden in la tixgeliyo heshiisyadii ay gashay dowladihii tan ka horeeyey.

- Advertisement -

Mudo 10 Cisho ah ayaa ka harsan mudadii 30-ka  Maalmood aheyd ee uu guddoomiye Yariisow Ganacsatada u qabtay in ay ku bur buriyaan darjiinooyinkaas,balse la sheegay in la hakiyey sida ay Madaxweynaha ka dalbadeen Odayaasha Mudulood ee uu la kulmay.

Kulanka Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa xigay kulan kale oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka beesha Mudulood,waxana Odayaaasha Dhaqanka ee labada dhinac la kulmay ay dhammaantood sheegeen in ay muhiim tahay in la taageero dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts