HomeWararDagaal Culus oo Ka Socda Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Dagaal Culus oo Ka Socda Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dagaal Culus oo Ka Socda Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada Dhexe

- Advertisement -

Saaka, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xeryo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Degmada Warsheekh, gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo weerarka uu ku bilowday qaraxyo isku xigta.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo goobta, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar toos ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada, iyadoo la maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo is xigay.

- Advertisement -

Dagaalkan ayaa imanaya xilli Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadeen deegaanno ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, gaar ahaan deegaanka Jabad-Godane, taasoo la rumeysan yahay inay sababtay weerarka maanta.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare kala duwan uu jiro, hase yeeshee weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama dagaalku weli socdo oo xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee dagaalkan, hase yeeshee warar madax-bannaan ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay iska caabin xooggan sameynayaan.

- Advertisement -

Wararka soo kordha kala soco.

Latest stories