HomeWararSafaaradda Shiinaha oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Shiinaha oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha

- Advertisement -

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, kaddib munaasabaddii caleemo-saarka Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo si rasmi ah uga dhacday magaalada Laascaanood.

Farriin hambalyo ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu muujiyay farxad iyo bogaadin ku aaddan qabsoomidda munaasabadda caleemo-saarka, iyadoo safaaraddu hambalyo u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Safaaradda ayaa si gaar ah ugu hambalyeysay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, iyadoo xustay in caleemo-saarkiisa oo ka dhacay magaalada Laascaanood uu ahaa mid guuleystay, isla markaana muujinaya horumar dhinaca dowlad-dhiska ah.

Latest stories