HomeWararMaxaa Looga Hadlay Kulanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim u ah nidaamka caafimaadka iyo kan maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo kala ahaa:

- Advertisement -
  • Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka

  • Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka

Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadam, ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka. Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay nidaaminta, tayeynta iyo sugidda badqabka dawooyinka dalka la keeno, isaga oo tilmaamay doorka uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

- Advertisement -

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare, Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu sharraxay wax-ka-beddellada, toosinta iyo hagaajinta ay guddigu ku sameeyeen qodobada sharciga, iyagoo kaashanaya sharciyaqaannada Golaha.

Intaa kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa galay dood iyo aragti-dhiibasho ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka, iyagoo soo jeediyay talooyin iyo fikrado lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo soo xiray kulanka, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada ka qayb qaatay doodda, isaga oo faray Guddiga Maaliyadda in ay dib u habeeyaan sharciga, iyagoo tixgelinaya talooyinka la soo jeediyay, si loogu diyaariyo Akhrinta Saddexaad ee kama dambaysta ah.


Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts