HomeWararKulanka Golaha Shacabka Oo Diiradda Lagu Saaray Amniga Saybarka Soomaaliya

Kulanka Golaha Shacabka Oo Diiradda Lagu Saaray Amniga Saybarka Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka,

- Advertisement -
- Advertisement -

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xarunta Golaha Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 28-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa Golaha ka hor akhriyay liiska Xildhibaanada ka maqnaa kulanka, gaar ahaan kuwa haysta fasaxyada rasmiga ah iyo kuwa aan fasaxa haysan.

- Advertisement -

Intaas kaddib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey laba Xildhibaan oo kala ah:

  • Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, oo ku muteystay joogteynta kulamada Golaha iyo shaqada guddiga uu ka tirsan yahay.

  • Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale, oo lagu bogaadiyey waxqabadkiisa la xiriira arrimaha bulshada.

    - Advertisement -

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.

Warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka ayaa Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow, oo ka tirsan Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka. Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga dooday qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimadda uu u leeyahay sugidda amniga dijitaalka ah iyo nidaamka isgaarsiinta dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya in ay ku daraan aragtiyada iyo dooda Xildhibaanada, isla markaana ay Golaha dib ugu soo celiyaan Akhrinta Saddexaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts