HomeWararMW Xasan Sheekh Oo Salaadda Jimcaha Kula Tukaday Shacabka Suuqa Bakaaraha

MW Xasan Sheekh Oo Salaadda Jimcaha Kula Tukaday Shacabka Suuqa Bakaaraha

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta Salaadda Jimcaha kula tukaday bakaaraha

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho, Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha waxaa wehliyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuwaas oo si wadajir ah ula tukaday dadweynaha.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyay masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay dowladda ka waddo la-dagaallanka faragelinta shisheeye, iyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa gurracan ee ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah ka gaartay halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-day kasta oo lagu doonayo in dalka laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu difaaci karo madax-bannaanida iyo danaha qaranka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts