HomeWararMW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, xilli guddigan ay maalmahan shirar wadatashi ah ka wadeen magaalada Garowe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan hawlaha siyaasadeed ee mudnaanta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa xallinta caqabadaha ka jira geeddi-socodka siyaasadda.

- Advertisement -

Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ka kooban lix xubnood, kuwaas oo kala ah:
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, Xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar, iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Xubnahan ayaa Garowe u joogay dejinta istaraatiijiyad iyo qorshayaal siyaasadeed oo la xiriira marxaladda kala-guurka ee dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, ay dhowaan shir ku yeelan doonaan magaalada Garowe, kaas oo looga arrinsan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka doorashooyinka iyo madmadowga jira.

Golaha Mustaqbalka ayaa horay ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiisyo qaran oo ku saabsan doorashada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u muujiyay inuu aqbalay dalabka mucaaradka, inkastoo faahfaahinta qabsoomidda shirkaas ay weli socoto.

- Advertisement -

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu dalka wajahayo xilli siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan wadatashi qaran oo loo dhan yahay.

Latest stories